Cristiano Ronaldo Oo Bar-Barayn Doona Rikoodh Champions League Ah Kulanka Young Boys.

0
223

Weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa qarka u saaran inuu barbareeyo rikoor kale oo Champions League kulanka caawa ee Young Boys.

Xiddiga Ronaldo ayaa ku soo laabtay Old Trafford kulankii Newcastle United isaga oo laba gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisu guusha 4/1 ah gaadhay.

Dareenka ayaa haatan u jeedsan doona champions league iyada oo xiddiga 36 jirka ah la filayo in uu ku bilowdo shaxda kooxd kulankii 2-aad 3 maalin gudohood.

Hadii uu xiddiga reer Portugal ku laabto shaxda kulanka caawa ee Young Boys, waxa uu bar-barayn doonaa kulankii Iker Casillas ee 77-ka kulan ee tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here