Barcelona Oo Ka Warbixisay Xaalada Dhaawac Ee Sergino Dest

0
246

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Barcelona ayaa ku dhawaaqday in Sergino Dest uu dhaawac kuraanta ah soo gaadhay intii uu lagu jiray kulankii uu xulkiisa America la ciyaarayay xulka Canada 5-tii bishan September.

20 jirkaan ayaa seddex kulan u saftay kooxda Ronald Koeman bilowgii Xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray kulamadii La Liga ee Real Sociedad, Athletic Bilbao iyo Getafe.

Daafaca dambeedka midig ayuu haatan shaki ku jiraa taa ahaanshihiisa kulanka 14-ka September ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Bayern Munich champions league.

“Tijaabooyinkii Arbacadii ay sameeyeen Adeegyada Caafimaadka ee FC Barcelona ayaa lagu ogaaday in Sergino Des uu ka dhaawacmay kuraanta intii lagu jiray kulankii uu xulkiisa u matalayay is reeb-reebka koobka adduunka 5 bishii September haatana ma ciyaari karo”ayay warbixin ku soo saareen.

Dest aya muhiim u ah kooxda Barcelona tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda bishii October ee la soo dhaafay sanadkii isaga oo 44 kulan u saftay kooxdii 1-aad ee xilli ciyaareedkii hore.