Ole Gunnar Solskjaer Oo Magacaabay Xiddig Seegi Doona Kooxdiisa Bilowga Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
319

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Daafaca bidix ee Manchester United Alex Telles ayaa seegi doona bilowga xilli ciyaareedka Premier League sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ah sida uu xaqiijiyay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhaawacmay tababarka todobaadkii hore waxana uu seegay kulankii QPR ee saaxiibtinimada ahaa.

Ole Gunnar Solskjaer Ayaa markii hore sheegay in uu Telles maqnaan doono dhawr todobaad laakiin Tababaraha ayaa haatan xaqiijiyay in uu xiddigu maqnaan doono 3 todobaad ee ugu horeeya premeir League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Nasiib xumo, waa dhaawac ka xun sidii la filayay”ayuu yidhi.

“Dhaawaca kuraanta ah ee soo gaadhay wuu ka xunyahay sidii hore waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo dheer dhamaan bisha August oo dhan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here