Wakhtiga Ay Barcelona Heshiiska Cusub Ka Saxiixanayso Lionel Messi Oo La Ogaaday

0
253

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Lionel Messi ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Juventus bisha dambe.

Kooxda Barcelona ayaa ku qasban in ay dhinto mushaharka ay bixiso ka hor inta ayna heshiis cusub ka saxiixin xiddiga ugu muhiimsan kooxda Barcelona.

Barcelona aya doonaysa in ay iska iibiso xiddigo sidoo kale qaar kale amaah ku dirto bilaha soo socda si ay kooxdu u buuxiso shardiga La Liga ee dhanka mushaharka.

Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona isku diyaarinayso in ay heshiiska cusub ka saxiixato Lionel Messi ka hor kulanka Juventus bilowga bisha dambe.

Kooxaha Juventus iyo Barcelona ayaa iska hor imana doona koobka Joan Gamper 8 bisha August oo ah koob ay kooxda Barcelona ciyaarto sanad kasta ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here