Xulka qaranka Germany oo guul ka gaaray dhigiisa Portugal kulan ka tirsanaa koobka EURO 2020

0
460

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xulka qaranka Germany ayaa guul kaga gaaray dhigiisa Portugal 2-4, kulan ka tirsanaa GROUP F Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu  kala nastay 1-2 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Germany.

Daqiiqadii 15-aad xulka Portugal ayaa hoggaanka u qabtay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Cristiano Ronaldo, kaddib markii ay caawin qurux badan kaga timid Diogo Jota.

35 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xulka Germany ayaa la yimid goolka bar-bardhaca, kaddib markii uu gool iska dhaliyay daafacooda Ruben Dias.

Daqiiqadii 39-aad xulka qaranka Germany ayaa hoggaanka u qabtay dheesha waxaana markale gool iska dhaliyay xiddiga reer Portugal ee Raphael Guerreiro, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 1-2.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

51 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Kai Havertz oo caawin ka helay saaxiibkiis Robin Gosens ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 1-3 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Germany.

Daqiiqadii 60-aad xulka Germany ayaa sii dheereystay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 1-4 ka dhigay Robin Gosens oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Joshua Kimmich.

Laakiin daqiiqadii 67-aad Diogo Jota oo caawin ka helay saaxiibkiis Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-4.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaantay 2-4 uu kaga adkaaday Xulka qaranka Germany dhigiisa Portugal, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada labaad GROUP F Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.