Man United Oo Calaamadsatay Badalka David De Gea.

0
191

Manchester United ayaa il gaar ah ku heysa xaalada goolhayaha kooxda PSG ee Keylor Navas sida ay sheegayaan wararku.

Goolhayaha reer Costa Rica ayaa laba xill ciyaareed ku qaadanaya kooxda PSG Waana Goolhayaha 1-aad isaga oo kooxda u saftay 80 kulan tartamada oo dhan.

Si kasta ha ahaatee kooxda PSG ayaa la filayaa in ay dhamaystirto saxiixa Goolhayaha kooxda Ac Milan Gianluigi Donnarumma kaas oo ay ku helayso qaab xor ah.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Navas isaga tagi doono kooxda PSG Marka uu yimaado Goolhaye Gianluigi Donnarumma xagaagan.

Man United ayaa la sheegayaa in ay doonayso Goolhaye ay ku badasho David De Gea kaas oo dhankiisa la filayaa in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan.