Xulka Belgium oo guul kaga daah furtay Koobka EURO 2020

0
193

Baydhabo(Radio Arlaadi)Xulka qaranka Belgium ayaa guul kaga daah furtay GROUP B Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020 kaddib marii uu ku garaaceen dhigooda Russia 3-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 uu ku hoggaaminayay Xulka qaranka Belgium.

Daqiiqadii 10-aad Xulka qaranka Belgium ayaa hoggaanka u qabtay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Romelu Lukaku.

34 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Thomas Meunier ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 uu ku hoggaaminayay xulka Belgium.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 88-aad Romelu Lukaku oo caawin ka helay saaxiibkiis Thomas Meunier ayaa hoggaanka u dheereeyay Xulka qaranka Belgium, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 uu kaga adkaatay xulka Belgium., dhigiisa Russia, xilli kulankan ay labada xul kaga daah furteen GROUP B ee Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.