Joško Gvardiol Oo Niyadda U Dhisay Liverpool.

0
255

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Garabka bidix kooxda RB Leipzig ee Joško Gvardiol ayaa niyadda u dhisay kooxda Liverpool oo xiiso u qabto laacibkaas

Waxa uu Joško Gvardiol xusay in uu doonayo in saaxibkiisii kooxda ee Ibrahima Konaté kula midoobo Liveprool

Kooxda RB Leipzig ayaa xagaagaan laba xididg muhiim ah iska iibisay kuwaasi oo kala ah Ibrahima Konaté iyo Upamecano waxa ayna kala aadeen Liverpool iyo Bayern Munich.

Laacibkaas ayaa haatan amaah ugu maqan kooxda Dinamo Zagreb balse ma uusan qarin hamigiia mustaqbalka

Mar la weydiiyay su`aal aheyd waa tee kooxda aad ka hesho waxa uuna 19 sano jirkaas ku jawaabay ” Liverpool”.

“Tan iyo yaraanteyda waxaan kulamada Liverpool la daawan jiray aabahey waana ku soo caqliyaystay”

Waxa uu Joško Gvardiol intaas sii raaciyay” dhab ahaan waxaan doonayaa in aan albaabka horyaalka Ingiriiska ka galo dhanka Liverpool”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here