Magaalo ku taalla New Zealand oo loo aqoonsaday magaalada ugu nolosha wanaagsan dunida.

0
210

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Magaalada Auckland ee dalka New Zealand ayaa loo aqoonsaday magaalada ugu nolosha wanaagsan dunida.

Qiimeyntan oo ay sameysay hay’adda sahminta dhaqaalaha ee lo soo gaabiyo (EIU) ayaa waxaa lagu qiimeeyay 140 magaalo iyada oo si gaar ah loo eegayo arrimo ay ka mid yihiin xasiloonida, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo helitaanka daryeelka caafimaadka.

Feyraska Korona ayaa noqday waxa go’aaminaya liiska sanadkan iyo sida kaalimaha loo kala galay.

Waxaa hoos uga soo dhacay kaalmihii ay ku jireen magaalooyinka dalalkaYurub halka kuwa Australia, Japan iyo New Zealand ay kor u kaceen oo kaalmaha hore ay soo galeen.

Dalalkaas jasiiradaha ah waxay si dhakhso leh uga jawaabeen feyriska Corona iyaga oo sidoo kale awood u yeeshay inay yareeyaan kiisaska isla markaana ay dabciyaan xayiraadaha.

Magaalada Auckland ayaa kaalinta koobaad ka gashay magaaloyinka ugu noolasha wanaagsan, taasi oo loo aaneynayo qaabkii ay u wajahday cudurka Covid-19.
Osaka oo Japan ah ayaa gashay kaalinta labaad, halk aAdelaide oo Australia ah ay kaalinta sadaxaad soo gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here