Kenya oo u Diyaar Garoobeysa Mowjadda Afaraad ee Xanuunka Covid-19

0
327

Baydhabo(Radio Arlaadi)- DhamaanWargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in isbitaallada dalkaas ay u diyaar-garoobayaan sidii ay ula tacaali laahayeen kiisaska sii kordhaya ee dadka uu haleelayo xanuunka Covid-19.

Isbitaallada ayaa bilaabay diyaarinta agabka ay bukaannadu ku neefsadaan iyo sariiro dheeri ah oo ay suuragal tahay in loo baahdo.

Wasiirka caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe ayaa dhawaan bulshada Kenyaanka ah ugu baaqay in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaadka isaga oo sidoo kale ka digay in mowjadda afaraad ee xanuunka Covid-19 ay ka halis badnaan doontoo saddexdii mowjadood ee hore.

Hay’adda Caafimaadka Dunida ayaa dalalka Afrikaanka ah ugu baaqday xoojinta adeegyada daryeelka caafimaad xilli qaaradda Afrika uu ka sii gabaabsanayo tallaalka Covid-19.

Sida laga soo xigtay WHO, Afrika ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay diiwaan gelisay koror 20% ah oo ku yimid bukaannada uu soo ridanayo xanuunka Covid-19.

Uganda, Angola iyo Namibia ayaa noqday dalalka diiwaan geliyay kiisaska ugu badan ee xanuunka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here