Sergio Busquets oo laga helay Korona

0
273

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ee Spanish Football Federation (RFEF) ayaa shaaciyay in xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Sergio Busquets laga helay xanuunka Korona Fayras.

Kabtanka xulka qaranka Spain hoggaamin doono tartanka qarammmada qaaradda Yurub ee Euro 2020 ayaa laga helay Koofid19 kaddib baaritaankii shalay ay mareen xiddigaha xulka iyo shaqaalaha oo idil, balse ma jirin shaqsi kale oo xanuunkan laga helay.

Sergio ayaa haatan la karaantiilay isaga iyo dadkii ay aadka isugu dhowaadeen waxaana uu xalay kasoo hayaamay deegaanka Las Rozas ee magaalada Madrid oo uu xulka ku tababaranayay, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaana la rajeynayaa inuu ugu soo laabto safka xulka La Roja.

Spain ayaa kulanka ugu horreeya ee Euro 2020 la ciyaari doono xulka qaranka Ukraine 14-ka bishan June, waxaana shaki weyn la gelinayaa inuu burburiyaha Barcelona kusoo laaban doono safka xulka kahor kulankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here