Chelsea oo qandaraaska u kordhisay Olivier Giroud

0
225

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu heshiis cusub saxiixay xiddiga weerarka ka ciyaara ee Olivier Giroud.

Laacibka Faransiiska ayaa qandaraaskiisa haatan waxa uu ku ekaa dhammaadka bishan, balse Blues ayaa hal sano ku kordhisay heshiiska uu ku joogo Galbeedka London.

Mustaqbalka xiddigii hore ee Arsenal ayaa ahaa mid shaki badan uu ku hareersanaa, iyadoo xitaa wararka qaar ay sheegayeen inuu heshiis horudhac ah la gaaray AC Milan si uu xagaagan ugu biiro, hase ahaatee, waxaa haatan Chelsea ay si rasmi ah u shaacisay inay hal sano oo dheeraad ah ku kordhisay qandaraaskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Giroud ayaa noqday shaqsigii saddexaad oo ay shalay kooxda Stamford Bridge ku ciyaarta heshiis cusub ka saxiixatay, waxaana sidoo kale qandaraasyada loo kordhiyay Macallin Thomas Tuchel iyo Thiago Silva.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here