Abaal-marinnada xiddigaha, rikoorrada gaarka ah ee ay sameeyeen ciyaartoyda & xaqiiqooyinka muhiimka ah ee laga diiwaan geliyay Premier League fasalkiisa 2020-21

0
264

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Horyaalka kubadda cagta Ingiriiska ayaa xalay lasoo af-meeray waxaana koox walba ay ku dhammeysatay booskii ay dhibacaheedu dhigeen xilli Manchester City ay ku guuleysatay Premier League xilli ciyaareedkan 2020-21.

Kulammadii shalay ayaa lagu go’aamiyay kooxaha ku dhammeystay afarta sare ee ciyaari doona tartanka Champions League fasalka dambe, kuwa ku dhammeystay boosaska Europa League lagu ciyaaro iyo kooxaha u laabtay horyaalka heerka labaad.

Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka iyadoo uruursatay 86 dhibcood, waxaana kusoo xigay Manchester United oo la timid 74 dhibcood, waxaana saddexaad galay Liverpool oo shaqeysatay 69 dhibcood halka afaraad ay ku dhammeysatay Chelsea oo heshay 67 dhibcood.

Afartaas koox ayaa England u matali doona tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe, waxaana saddexda koox ee ku xiga ee kala ah Leicester City (5-aad), West Ham (6-aad) iyo Tottenham Hotspur (7-aad) ay ciyaari doonaan tartanka Europa League.

Dhanka kale, kooxaha Sheffield United, West Bromwich Albion iyo Fulham ayaa ku dhammeystay saddexda boos ee ugu hooseysa horyaalka Premier League, sidaas darteed, waxay fasalka dambe ka ciyaari doonaan horyaalka heerka labaad.

Xaqiiqooyinka Ciyaartoyda

Harry Kane ayaa ku guuleystay abaal-marinnada kala gool-dhaliyaha ugu sarreeya iyo kubbad sameeyaha ugu wanaagsan kaddib markii uu ku dhammeystay kaalinta ugu sarreysa ee gool-dhalinta iyo gool caawinta.

Sergio Aguero ayaa noqday xiddiga goolasha ugu badan ee Premier League u dhaliyay hal koox kaddib goolkiisii 184-aad, waxaana uu rikoorkan kala wareegay halyeyga Manchester United ee Wayne Rooney kaasoo Red Devils u dhaliyay 183 gool oo Premier League ah.

Kane ayaa sidoo kale noqday xiddigii ugu horreeyay ee Ingiriis ah kaasoo ku guuleystay laacibka ugu caawinta badan horyaalka tan iyo Steven Gerrad sanad ciyaareedkii 2013-14.

Yves Bissouma ayaa noqday xiddiga keliya ee sameeyay 100 jilaafo ama wax ka badan iyo in ka badan 50 dhex-ka-jar xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League (104 jilaafo iyo 64 dhex-ka-jar).

Bruno Fernandes ayaa noqday xiddiga fursadaha ugu badan ka abuuray kubbad furan oo aan joog sare ahayn isagoo sameeyay 77 fursad, waxaana kusoo xiga Jack Grealish oo abuuray 70 fursad oo noocaas ah.

Trent Alexandre-Arnold ayaa noqday daafaca abuuray fursadaha ugu badan ee horyaalka xilli ciyaareedkan isagoo 77 fursad abuuray.

Mason Mount ayaa noqday xiddiga Ingiriiska ah ee fursadaha ugu badan ka sameeyay Premier League fasal ciyaareedkan 2020-21 isagoo sameeyay 87 fursadood.

James Ward-Prowse ayaa dhaliyay laadadka ugu badan ee xorta ah xilli ciyaareedkan Premier League isagoo afar jeer dhaliyay, mana jiro xiddig kale oo dhaliyay wax ka badan hal laad oo xor ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here