Madaxweynaha Ghana oo diiday in mushaarka loo Kordhiyo

0
242

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxweynaha dalka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa sheegay in uu hakiyay qorshihii sanadkan 2021-ka loogu kordhin lahaa mushaarkiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan kororsan doonin mushaarka sanadkan sababo la xariira dhaqaale yari dalkaasi uu ka dhaxlay xanuunka Covid-19.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sanadkan aan la kordhin doonin mushaarka madaxweyne ku xigeenka, wasiirrada, wasiir ku xigeennada iyo howlwadeennada sarsare ee golaha fulinta.

Tallaabadan ayuu madaxweynuhu ku tilmaamay mid ay kaga dareen celinayaan dhaqaale burburka dalkaasi la soo gudboonaaday intii uu socday xanuunka Korona iyo waliba sidii ay dowladdu gacan uga geysan lahayd dib usoo kabashada waaxda maaliyadda Ghana.

Arrintan oo si weyn u soo jiidatay shacabka Ghana ayuu madaxweynuhu ku soo beegay iyada oo dhawaan dalkaas iyo dunida oo idilba ay u dabbaal-degtay Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Ugu dambeyn waxa uu boorriyay madaxweynuhu in dadka reer Ghana ay maanka ku hayaan in Ghana ay dadaal ugu jirto sidii ay uga dhex muuqan lahayd dhaqaalaha Afrika.