Ragga iyo Haweenka Booliska Kenya oo laga mamnuucayo in ay xidhiidh caashaq yeeshaan

0
235

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kenya ayaa qorshaynaysa in ay mamnuucdo in xidhiidh caashaq iyo guur ah dhex maro ragga iyo dumarka booliska ah.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo xadiga falal dambiyeedyada ka dhasha xidhiidhka caashaq ee askarta booliska dhexdooda.

Wasiirka arimaha gudaha kenya , Fred Matiangi’, oo ka hadlayey xaflad telefishanka laga baahiyey oo ka dhacday kulliyada tabobarka booliska ayaa sheegay in marka hore amarkan loo gudbin doono golaha nabad gelyada qaranka Kenya ee kor joogteeya ciidamada nabad gelyadu si uu u ansixiyo.

isaga oo sheegay in dhanka milatariga xidhiidhka noocan
ah hore looga mamnuucay in ay is guursadaan askarta kala darajada sareeyaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here