Ra’iisul wasaaraha Britain oo lagu bilaabay baritaan la xiriira musuqmaasuq

0
292

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Guddiga doorashada ee Britain ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan qaabka Raiisel wasaare Boris Johnson uu u bixiyay kharashaadka lagu dayac tiray hoygiisa Downing Street.

Warbixin uu guddiga soo saaray ayuu ku sheegay inay jiraan sababo tuhun dhalin kara oo muujinaya in dembi uu dhacay.

Mr Johnson waxa auu sheegay in uu bixiyay 80 kun oo doolar si shaqada loogu qabto.
Xisbiga shaqaalaha ee mucaaradka “labour” ayaa ku eedeyay R/wasare Johnson in uu been sheegayo lagana yaabo in lacagta qaab aan la shacinin uu kaga helay xisbigiisa ama mid kamid ah maalqabeennada waaweyn ee maalgeliya xisbigiisa conservative-ka.