Mareykanka oo Hindya u diraya adeeg caafimaad oo lagu qiyaasay 100-milyan

0
298

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in dalka Hindiya loo dirayo sahay qiimaheedu dhan yahay 100-milyan ,si ay qeyb uga noqoto dadaalada looga hortagayo kororka kiisaska COVIDb 19 ee ka jira dalkaasi.

Sahayda gargaarka ee la dirayo waxaa ka mid ah 1,000 haamood oo oksijiin ah, 15 milyan oo afgashi iyo hal milyan oo ah qalabka lagu ogaado baaritaanka degdegga ah.

Mareykanka wuxuu go’aansaday inuu Hindiya caawiyo Ka dib markii Hindiya ay horay gargaar ugu dirtay Mareykanka xilligii uu la halgamaayey cudurka Covid 19.

Illaa 18-,mailyan oo ruux ayaa lagu waramay in uu ku dhacay cudurka Covid 19 oo fara ba’an ku haya dalka Hindiya.