Chelsea oo saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda West Ham oo ay ku booqatay London Stadium…

0
216

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Chelsea ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay 10 ciyaaryahan kooxda West Ham ah oo ay ku booqatay London Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 43-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Timo Werner, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ben Chilwell.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

82 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xiddiga kooxda West Ham United ee Fabian Balbuena ayaa qaatay kaarka roosaha oo toos ah kaddib markii uu qalad cad ku galay laacibka Chelsea ee Ben Chilwell, taasoo ka dhigtay inay noqdaan 10 xiddig.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Chelsea kooxda West Ham United oo ay ku booqatay London Stadium, Blues ayaa haatan miiska kala sareynta kaga jirta booska afaraad iyadoo leh 58 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here