Everton oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Arsenal

0
267

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Everton ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Arsenal oo ay ku booqatay garoonka Emirates, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar ka tirsaneyd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Arsenal iyo Everton ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 76-aad kooxda Everton ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, kaddib markii uu gool iska dhaliyay goolhaayaha naadiga Arsenal ee Bernd Leno, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 0-1.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku dhamaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Everton kooxda Arsenal oo ay ku booqatay garoonka Emirates, Gunners ayaa haatan kaga jirta dhanka jadwalka horyaalka booska 9-aad, halka Everton ay fadhiso kaalinta 8-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here