In ka badan kun qoys oo ku nool Magaalada Baydhabo oo deeq gar gaar ah la gaarsiiyey.

0
212

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasiirka Wasaaradda Maareynta, Masiibooyinka Dowlada Federalka Soomaaliya Khadiijo Mohamed Diiriye iyo Wasiir ku xigeenka Wasaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Abdikadir Ali Barako oo uu wehliyo Agaasimaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Abdullahi Ali Watiin ayaa Maanta Deeq Gar-gaar ah gaarsiiyey in ka bada kun qoys oo ku nool Magaalada Baydhabo.

Deeqdaan oo ay isugu jirtay Bariis, Bur, Sokor, Baasto, Saliid iyo Timir ayaa ka timid Boqorka Dalka Sacuudiga ee Boqor Salmaan, waxaana loogu tala galay in dadka danyarta ah ay ku afuraan bisha barakeysan oo Maanta Taban mareyso.

Wejigii koowaad ayaa maanta la qeybiyay waxaana si wada jir ah u dahfuray Masuuliyiinta Wasaarada Gargaarka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur galbeed.