Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kulammo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa caawa la ciyaari doonaa, waxaana kooxo waa weyn oo ciyaarti doono kuwaasoo taageerayaashu ay indhaha ku hayaan.
Horyaalka Premier League ayaa laga ciyaari doonaa caawa hal kulan waana midka dhex mari doona kooxaha Leicester City iyo West Bromwich Albion.
Dhanka kale kooxda kaalinta afaraad kaga jirta horyaalka Spain ee Barcelona ayaa caawa soo dhowaynaysa Getafe, waxaana ay doonayaan inay guul gaaraan si ay dib ugu soo laabtaan kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga.
Kulammo ka tirsan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale la ciyaari doonaa caawa, waxaana afarta kulan ee la dheeli doono ay kala yihiin midka ay kooxda Roma soo dhoweynayso Atalanta iyo kan ay madaxda isla geli doonaan Napoli iyo Lazio.
Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono horyaallada ugu waa weyn Yurub & saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-
ENGLAND – PREMIER LEAGUE
10:00 Habeennimo Leicester City vs West Bromwich Albion
SPAIN – LALIGA SANTANDER
10:00 Habeennimo Atletico Madrid vs SD Huesca
10:00 Habeennimo Granada vs Eibar
10:00 Habeennimo Real Sociedad vs Celta Vigo
11:00 Habeennimo Barcelona vs Getafe
ITALY – SERIE A
07:30 Fiidnimo Roma vs Atalanta
09:45 Habeennimo Napoli vs Lazio