Chelsea Oo 10 Xiddig Oo Brighton Ah beerjo gool la aan ah la gashay

0
228

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda chelsea ayaa bar-baro kooxda Brighton kulan ka tirsanaa todobaadkii 32-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag labada kooxood iyada oo ay labadooduba isku qaadayeen weeraro dhanka kalena si fiican u difaacdeen goolkooda oo ay ilaashadeen shabaqooda.

Chelsea ayaa dhanka maamulista ku fiicnayd laakiin ku dhibataoonaysay in ay gaadho goolka kooxda Brighton kuwaas oo si fiican u difaacday goolkooda.

Brighton ayaa chelsea kaga fiicnayd dhanka kubad samaynta iyaga oo ku qaadayay Blues weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen gool ay ku dhaliyaan.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin mid walba si gaar ah isaga ilaalinaysay in goolka looga hor maro iyada.

Qaybtii dambe ayay kooxda Brighton ku bilaabatay si dar-dar le iyaga oo u muuqday in ay kaga fiicnaayeen chelsea dhanka weerarka waliba sameeyay fursado halis galiyay goolka uu ilaalinayay Kepa.

Dhanka kale chelsea ayay kubadeedu mar walba ku dhimanaysay daafaca kooxda Brighton kuwaas oo ilaalo gaar ah ka qabtay xiddigaha weerarka uga ciyaarayay kooxda chelsea.

Kooxda Brighton ayaa daqiiqadii 90+2-aad kaadhka cas looga taagay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ben White kadib markii uu khalad xun ku galay xiddig chelsea ah.

Laakiin Brighton ayaa adkaystay daqiiqadii ugu dambaysay ciayarta waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Brighton bar-baro ku qabatay kooxda Chelsea