Florentino Perez Oo Mar Kale Ku Guulaystay Madaxtinimada Real Madrid

0
220

Florentino Perez ayaa mar kale ku guulaystay madaxtinimada kooxda Real Madrid isaga oo loo caleemo saaray in uu sii hogaamiyo kooxda ilaa sanadka 2025 sida ay maanta kooxdu ku xaqiijisay Bogeeda Internet-ka.

Madaxweyne Florentino Perez ayaa sii ahaan doona madaxweynaha kooxda kadib markii dib loo doortay waliba uu sii hayn doono xilkaas ilaa inta laga gaadhayo sanadka 2025 oo ah muddo 4 sano kale ah.

kadib markii uu Florentino Perez ku guulaystay xilka kooxda Real Madrid wargayska MARCA ayaa soo bandhigay qorshaha Madaxweynuhu doonayo in uu fuliyo sanadaha soo socda inta uu xilka hayo.

Wargayska ayaa sheegay in uu Florentino Perez bartilmaameedsanayo in uu Real Madrid keeno xiddigaha adduunka sida weyn looga hadal hayo ee Kylian Mbappe iyo Erling Haaland si uu u dhiso koox koobabka oo dhan ku tartanta.

Sidoo kale Florentino Perez ayaa doonaya in uu soo celiyo xiddiga Achraf Hakimi kadib markii dhaawacyada Dani Carvajal aad u bateen xilli ciyaareedkan waliba uuna kulamo badan u ciyaarin kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here