Hordhac: Bayern Munich vs PSG

0
485

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa caawa foodda isku daraya lugta hore ee wareegga siddeedda tartanka Champions League, waxaanay taageereyaashu mar kale xasuusanayaan finalkii xilli ciyaareedkii hore.

Bayern Munich ayaa si durduro ah ugu soo gudubtay wareeggan, waxaanay muujinaysay awood ay ku difaacan karto koobka ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay, iyadoo tababare Hansi Flick uu wali soo bandhigayo khidaddii iyo xeeladihii layaabka lahaa ee kooxda oo dhutinaysa uu kaga dhigay awoodda aan la loodin karin.

Ciyaartii ugu dambaysay ee horyaalka ayay guul weyn soo gaadhay, waxaanay iyadoo niyad wanaagsan timid kulankan.

PSG ayaa iyaduna dhibaato ku dhex jirta xilli ciyaareedkan, waxaana toddobaadkan horraantiisii soo garaacday Lille oo kala wareegtay hoggaanka horyaalka Ligue 1.

Inkasta oo ay Barcelona kusoo jiidheen wareeggii 16ka, haddana Mauricio Pochettino ayaanay kooxdiisu ahayn mid ku jirta qaab fiican, laakiin mushkiladda ayaa ah mid uu ka dhaxlay Thomas Tuchel oo shaqada laga caydhiyey dhamaadka bishii November.

Rikoodhka kulamadii hore ee labada kooxood

Kulankii iskugu dambeeyey wuxuu ahaa finalkii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana 1-0 ku adkaatay Bayern Munich oo koobka qaadday.

Ciyaarta caawa ayaa noqonaysa markii 10aad ee ay labadan kooxood iskaga hor yimaaddaan kulan ka tirsan Champions League, waxaana gacanta sare soo lahayd PSG oo shan ka mid ah kulamadaas guuleysatay, halka Bayern Munich ay afar ciyaarood libinta qaadatay.

PSG ayaa  ah kooxda labaad ee guul-darrooyinka ugu badan ku gaadhsiiyey Bayern Munich tartankan, waxaana kaliya dhibaato ka badan gaadhsiiyey Real Madrid oo toban ciyaarood guul-darro u xambaarisay kooxda reer Germany, halka PSG ay shan mar garaacday Bayern.

Si kastaba, PSG hal mar oo kaliya ayay ku badisay garoonka Bayern Munich, waxaanay ahayd xilli ciyaareedkii 1994-95 oo George Weah uu u dhaliyey hal gool ciyaar wareegga koowaad ee Group-yada ahayd oo ay ku badiyeen 1-0.

Xogta kulanka 

Ciyaarta: Bayern Munich vs PSG

Tartanka: Champions League, wareegga siddeedda

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Allians Arena

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here