Maanta Oo Kale Lionel Messi Oo Kaligiis Arsenal Ka Dhaliyay 4 Gool.

0
233

Lionel Messi ayaa maanta u dabaal dagaya rikoodhkii taariikhiga ahaa ee uu xirfadiisa ciyaareed ku dhigay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa tartanka champions League.

Maanta oo kale sanadkii 2010 Lionel Messi ayaa kaligiis Arsenal ka dhaliyay 4 gool kulan ay Barcelona 4/1 kaga badisay Arsenal kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa champions League.

Messi ayaa ka soo baxay shaqadiisa xiddiga ugu fiican adduunka wakhtigaas isaga oo Barcelona ku hogaamiyay guul 6/3 ah labada lugood ee kulan champions League ahaa.

Arsenal ayaa gool ku hor martay daqiiqadii 18-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nicklas Bendtner laakiin Lionel Messi ayaa si deg-deg ah ugu jawaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here