Koox Premier League Ah Oo Ugu Dhaw Saxiixa Sergio Aguero

0
255

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda chelsea ayaa lau soo waramayaa in ay hogaaminayso saxiixa xiddiga dhawaan xorta noqon doona ee Sergio Aguero sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa soo afjari doona 10 sano oo uu joogay Man City marka uu dhoco heshiiskiisa kooxdu dhamaadka xilli ciyaaredkan isaga oo dalabyo badan helay.

Kooxaha Barcelona, Paris Saint-Germain & Juventus ayaa dhamantood lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddigii hore ee ee Atletico Madrid laakiin waxa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu sii joogo Premeir Leageu.

Wargayska Daily Mail ayaa sheeaya in ay chelsea haatan hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Sergio Aguero kadib markii ay 10 sano ka hor seegeen saxiixa xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya Aguero uu iska diiday in uu ku biiro kooxda Man United maadama ay la xafiiltamaan kooxda uu Halyeeyga u yahay ee Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here