Turkiga oo Soomaaliya Ugu Deeqay Agabka Bukaannadu Ku Neefsadaan

0
264

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Soomaaliya ayaa tobaneeyo agabka bukannada ku neefsadaan ah ka guddoontay safaaradda dalka Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho.

Deeqdan ayaa ka timid safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo kaashanaysa hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga.

Deeqdan agabka ah ee ka timid dalka Turkiga ayaa qeyb libaax ka qaadan doonta badbaadada bukannada uu soo ritay xanuunka Covid-19.

Safaaradda ayaa sheegtay in agabkan caafimaad ay ugu talagashay in ay ku garab istaagto xarumaha caafimaad ee lagula tacaalo xanuunka Covid-19.

Turkiga ayaa kaalin mug leh kaga jira dhanka gargaarka bani aadannimo ee Soomaaliya gaar ahaa arrimaha caafimaadka dalka oo uu wax badan ku soo kordhiyay sanadihii u dambeeyay.

Maamlmihii la soo dhaafay waxaa dalka ka socday laba kaclaynta xanuunka Covid-19 oo dad badan oo Soomaaliyeed soo ritay halka kuwa kalena ay u geeriyoodeen.

Mowjadda labaad ee xanuunka Korona ee dalka bilaabatay ayay Soomaaliya ku weyday dad qiimo u lahaa bulshada sida caalimkii diinta Sheekh Nuur Baaruud, hoboladdii Waaberi Faaduma Cali Nakruma, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo qaar kale.

Soomaaliya ayaa qud-darreynaysa in dhawaan ay hesho tallaalka xanuunka Covid-19 ee ay heleen qaar ka mid ah dalalka Afrika.