PSG oo diyaarineysa dalab weyn oo ay kula soo saxiixaneyso xiddig bar-tilmaameed u ah Real Madrid

0
233

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa diyaarinaysa dalab aad u weyn oo ay kula soo saxiixaneyso xiddig muhiim ah suuqa xagaaga ee soo socda.

Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay kula saxiixato daafaca reer Austria ee David Alaba, beeca xurta ah, kaasoo uu sanadkii ku qaadan doono 13 ilaa iyo15 million euros.

Real Madrid uu hoggaaminayo Florentino Perez ayaa dooneysay inay hesho saxiixa David Alaba xilli hore, kahor inta aysan loolan kala kulmin kooxo kale ay ugu horeyso Paris Saint-Germain.

Xiddiga reer Austria ee David Alaba ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay go’aankiisa ah in uu ka tagayo kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka dhamaadka heshiiskiisa xagaaga dambe.

Real Madrid Leading Barcelona in Race for Bayern's David Alaba

David Alaba ayaa noqday mid dhowr talaabo u jira inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid laga bilaabo xilli ciyaareedka cusub.

Wargeyska “Cuba” ee dalka Austria ayaa tilmaamay in daafaca reer Austria uu ku riyoonayo inuu u ciyaaro kooxda Real Madrid, sidaas darteed way ku adkaan doontaa Liverpool iyo kooxaha kale.

David Alaba qandaraaskiisa haatan ee kooxda Bayern Munich wuxuu dhacayaa xagaaga sanadka soo socda 2021, taasoo ka dhigeysa in maamulka Bayern ay halis ugu jiraan in beeca xurta ah ay ku waayi doonaan ciyaaryahanka xagaaga dambe ama bisha Janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here