Man United oo dib ugu soo laabtay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League

0
255

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dib ugu soo laabtay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League markii ay 3-1 ku garaaceen Newcastle United oo ay ku soo dhoweeyeen Old Trafford.

Manchester United ayaa goolka la horreysay waxaana 30-daqiiqo u dhaliyey Marcus Rashford, kaddib kubbad uu si wanaagsan ugu gooyey mid ka mid ah daafacyada Newcastle, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 1-0 ay ku gacan sarreysay kooxda martida loo ahaa.

Newcastle United ayaa sheekadaas iska diidday waxaana ay la timid goolka barbaraha inta aan la aadin qeybta nasashada, waxaana karoos la soo qaaday oo uu madax ku bixiyey Harry Maguire lugta ku dhigay 36-daqiiqo Allan Saint-Maximin, kaasoo shabaqa dhex dhigay kubadda, ciyaarta ayaana lagu kala nastay barbaro 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay, Man United ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta waxaana hoggaanka u soo celiyey 57’daqiiqo Daniel James kaddib caawin uu ka helay Bruno Fernandes.

Waxaana bandhigga goolasha Manchester United ee kulankan soo xiray Bruno Fernandes kaddib markii 75’daqiiqo uu rigoore lagu galay Rashford gool u bedelay, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-1 ay ku adkaatay Man Utd.

Kooxda macallin Ole ayaa sidaasi ku gashay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, waxaana ay faqriga goolasha kaga sare mareen Leicester City oo ay wadaagaan 49-dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here