Real Madrid oo gaartay guusheedii saddexaad oo xiriir ah

0
537

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul ka gaartay naadiga Valencia oo ay ku soo dhoweysay garoonkeeda kulan qeyb ka ah horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa ku badisay 2-0, inkastoo gool kale oo ay dhaliyeen laga diiday haddana Valencia ayaa qaadatay guuldarro xanuun badan.

Waxa ay Real Madrid gaartay guusheedii saddexaad oo xiriir ah sanadkan cusub, waxaana ay ka aarsadeen Valencia.

Goolka hore waxaa Real Madrid u dhaliyey Karim Benzema daqiiqaddii 12-aad ee bilowgii ciyaarta, kaddib markii uu dhammaystiray caawin uu ka helay Toni Kroos.

Waxaana xigay goolka labaad oo uu raacsaday 42’daqiqoo caawiyaha goolkii koowaad ee Toni Kroos, waxaana lagu kala nastay 2-0 oo ay ku gacan sarreysay Los Blancos.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Real Madrid ayaa la timid goolka saddexaad, laakiin 61’daqiiqo ayaa laga diiday Ferland Mendy, kaasoo meesha looga saaray sabab la xiriirta garab dhaaf, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaatay Real Madrid.

Real Madrid ayaa ku soo laabatay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga iyagoo leh 49-dhibcood, waxaana Barcelona oo kulan u harsan yahay kaalinta saddexaadna ku jirta ay leedahay 46-dhibcood