Real Madrid oo saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Getafe

0
332

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Karim Benzema oo caawin qurux badan ka helay saaxiibkiis Vinicius Junior.

66 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Real Madrid ayaa dhaliay gool labaad kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Ferland Mendy, waxaana goolkan ka caawiyay daafaca reer Brazil ee Marcelo.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano, Los Blancos ayaa hadda ku jirta booska 2-aad ee kala sareynta horyaalka La Liga dalka Spain iyadoo leh 46 dhibcood.