Juventus oo iska xaadirisay Finalka Coppa Italia

0
198

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxaha Juventus iyo Iner Milan ayaa ku kala baxay barbardhac 0-0 ah, kulankii lugta labaad Semi-finlka ee Coppa Italia, Bianconeri ayaa iska xaadirisay Finalka tartankan, maadaama kulankii lugta ay ku soo adkaatay 1-2.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey ku kala nasteen labada kooxood Juventus iyo Inter Milan barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbardhac 0-0 ah oo ay ku kala baxeen labada kooxood Juventus iyo Iner Milan, Bianconeri ayaa u gudubtay finalka Coppa Italia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here