Chelsea oo guul ka soo heshay kooxda Sheffield United oo ay booqatay

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Chelsea ayaa guul ka soo heshay kooxda Sheffield United oo ay ku booqatay garoonka Bramall Lane, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta ee Chelsea.

Daqiiqadii 43-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Mason Mount, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Timo Werner.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

55 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay kooxda martida loo ahaa ee Sheffield United ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana iska dhaliyay daafaca kooxda Chelsea e Antonio Ruediger, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Laakiin daqiiqadii 58-aad Chelsea ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Jorginho, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-2 ay ku hoggaamineysay naadiga Blues.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-2 ay Chelsea kaga soo adkaatay kooxda Sheffield United oo ay ku booqatay garoonka Bramall Lane, Blues ayaa hadda ku jirta booska 5-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka.