Klopp oo shaaca ka qaaday sirta ka dambeysa hormarka Man chester City ee xilli ciyaareedkan

0
216

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday sirta ka dambeysa horumarka ay sameysay kooxda Manchester City ee uu hoggaaminayo tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola xilli ciyaareedkan, gaar ahaan xilliyadii ugu dambeeyay ee la soo dhaafay.

Macalinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id  kahor kulanka horyaalka Premier League oo ay Axada Manchester City ku soo dhaweyn doonaan garoonka Anfield.

Jurgen Klopp ayaa shirka jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga hadlay dhowr arimood ee quseeya kooxdiisa wuxuuna yiri:

“Manchester City waxay heshay nasiino dheeri ah, ee ka duwan Liverpool, tanina waa ay caawisay iyaga.”

“Korona Fayras dartii, kulamadooda ayaa hakad la geliyay ilaa laba todobaad, taasna wax badan ayay ka caawinaysaa kooxaha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here