Soomaaliya oo Goor-dhow Heli Doonta Tallaalka Covid-19

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Soomaaliya ay bishan February heli doonto tallaalka cudurka COVID-19.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa warbaahinta VOA u sheegay in Soomaaliya ay heli doonto 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca.

Tallaalkaas ayaa iskugu jira gacanta hore iyo gacanta labaad, waxaana lagu tallaali doonaa 600,000 oo Soomaali ah.

Dr. Mamunur Rahman Malik waxa kale oo uu sheegay in bilaha Maarso iyo Abriil ay heli doonto tallaal kale oo lagu tallaalo 20% dadweynaha Soomaalida.

Daawooyinka lagu tallaali doono 20% dadka Soomaalida ah ayaa ah lacag la’aan, waxaana bixinaya xarunta Covax oo ay wada dhiseen Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO iyo Isbshaysiga Caalamiga ah ee GAVI. Xaruntaas waxa maalgeliyey Midowga Yurub.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay hesho kharashkii ay kusoo iibsan lahayd tallaalka lagu tallaali lahaa 80% ka kale ee dadweynaha Soomaaliya.

Hay’adaha WHO, UNICEF iyo Bankiga Adduunka ayaa la sheegay in ay dawladda ka caawinayaan sidii kharashkaas lagu heli lahaa.

Tallaalka 1.2 milyan ayaa lagu tallaali doonaa shaqaalaha Caafimaadka, kuwa dawladaha hoose iyo kuwa safka hore, waxayna ku filan tahay 3% dadweynaha waddanka.