Hordhac: West Ham vs Liverpool

0
635

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Liverpool ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah ku sugan magaalada London, waxaanay marti u tahay West Ham United oo ay ku kala jiraan kaalmaha afraad iyo shanaad, isla markaana laba dhibcood oo kali ah ay ka horreyso.

Reds oo Khamiistii isla magaaladan 3-1 ugu garaacday Tottenham Hotspur oo ay marti u ahayd, ayaa waxay raadinaysaa guushii labaad oo xidhiidh ah, marka ay qalcadda London Stadium albaabada iskugu xidhaan West Ham United oo wacdaro dhigaysay xili ciyaareedkan.

Tababare Jurgen Klopp iyo kooxdiisa ayay muddo dheer ku qaadatayy inay goolal ka dhaliyaan horyaalka Premier League, waxaanay xaqiijiyeen Khamiistii oo ay gaadheen guushii ugu horreysay ee horyaalka ah ee sannadkan 2021, taas oo ka dhigan in bishan January oo dhan ay kusoo jireen niyad-jab.

Roberto Firmino, Trent Alexander-Arnold iyo Sadio Mane ayaa Liverpool kusoo celiyey afarta sare oo ay hoos uga dhaceen, laakiin maanta waxay saddexaad haddii Leicester City ay guul ka keeni weydo ciyaarta Leeds United.

Waqti wanaagsan ayay u ahayd inay jidka guusha kusoo laabato Liverpool, sababtoo ah waxay laba usbuuc gudahood la ciyaaraysaa shan ka mid ah toddobada kooxood ee hoggaanka horyaalka ugu sarreeya, taas oo ay usii raacayso ciyaarta adag ee Champions League ee RB Leipzig ay badhtamaha February u tegi doonto.

Xogta kulanka

Ciyaarta: West Ham vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: London Stadium

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here