Barcelona oo ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashada xilka madaxweyne ee kooxda

0
243

Baydhabo(Radio Arlaadi)–Kooxda Chelsea ayaa caawa isha ku hayn doonta inay kusoo laabato wadada guulaha ee kulamada Premier League marka ay booqdaan kooxda ay ku xifaaltamaan galbeedka magaalada London ee Fulham.

Blues ayaa u daadagay booska 9-aad ee miiska kala sarreynta horyaalka iyaga oo kaliya hal guul kasoo helay lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka kasoo ciyaareen.

Kulankan ayaa caadiyan ahaa mid loogu talo galay inuu qabsoomo Jimcihii xalay balse dib loo dhigay maadaama Fulham lagu qasbay inay Arbacadii la ciyaarto Tottenham kulan baaqi  u ahaa.

WARARKA KULANKAN EE LABADA KOOXOOD

Fulham ayay markale ka maqnaan doonaan Tom Cairney iyo Mario Lemina oo dhaawac qabaa halka Mitrovic uu shaki ku jiro taam ahaanshihiisa.

Sidoo kale Fulham ayaan awoodi doonin inay soo ciyaarsiiyaan Ruben Loftus-Cheek oo aan kahor tagi karin Blues oo uu amaah kaga soo maqan yahay taas oo ka dhigan in Lookman uu shaxda kusoo laaban doono.

Chelsea ayuu ka maqnaan doonaa khadkeeda dhexe ee N’Golo Kante kaas oo ganaax ku maqan balse waxa usoo laabtay Reece James iyo Andreas Christensen.

Lampard ayay horyaalaan go’aano badan oo ay tahay inuu gaadho gaar ahaan safka weerarka kaddib markii ay Timo Werner iyo Kai Havertz labaduba goolal soo dhaliyeen ciyaartii ugu dambaysay ee FA Cup.

Christian Pulisic iyo Hudson-Odoi ayaa kamida xiddigaha uu kala dooran doono Frank gaar ahaan kaddib markii Hudson-Odoi uu wacdarro kasoo dhigay FA Cup.