Arsenal oo u gudubtay wareegga xiga ee FA Cup-ka

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa guul ay u rafaadday ka gaartay naadiga Newcastle United, waxaana ay u gudubtay wareegga xiga ee FA Cup-ka.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Emirates ayaa ku bilowday qeybta hore kubbad aad u deggan, iyadoo labada kooxood ee Arsenal iyo Newcastle United iska ilaalinayeen inay goolal si sahal ah kaga dhashaan.

Labada dhinac ayaa sameeyey fursado goolal loo filan karay, laakiin ma dhicin inay shabaqa soo taabtaan kulanka ayaana lagu kala nastay qeybtii hore barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada kooxood ayaa fursado kale oo goolal ay ku dhalin kareen sameeyey, laakiin koox shabaqa soo taabatay ma jirin.

Dhammaadkii ciyaarta Emile Smith-Rowe oo ka tirsa Gunners ayaa kaarka cas loo taagay kaddib taakal xun oo uu ku qabtay mid ka mid ah xiddigaha Newcastle, laakiin kaddib markii uu Garsoorku VAR soo fiirsaday waxa uu go’aasaday inuu kaarka u bedelo midka digniinta.

Kulanka ayaa 90-ka daqiiqo ku soo dhammaaday barbaro goolal la’aan 0-0, waxaana lagu kordhiyey 30 daqiiqo oo dheeri ah oo ay ku kala baxaan labada kooxood.

Intii lagu guda jiray 30-ka daqiiqo ee lagu daray ciyaarta, waxaa shabaqa gaaray Emile Smith-Rowe kaddib caawinaad uu ka helay Alexandre Lacazette, isagoo 1-0 hoggaanka ugu dhiibay Arsenal.

Siddeed daqiiqo kaddib goolkii koowaad, waxaa 2-0 guusha ugu xaqiijiyay Gunners kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang kaddib markii uu shabaqa dul dhigay kubbad usoo dhigay Kieran Tierney.

Ugu dambeyn Arsenal ayaa ku adkaatay 2-0 ciyaar 120 daqiiqo la isla aaday, waxaana ay u gudubtay wareegga afaraad ee tartanka FA Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here