Real Madrid Oo Bartilmaameedka 1-aad Ka Dhigatay Saxiixa Xiddig U Ciyaara Liverpool.

0
308

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameedkooda 1-aad ka dhigatay xiddiga garabka uga ciyaara Liverpool ee Mohamed Salah.

Inkasta oo uu si joogto ah ugu ciyaaro Liverpool hadana Salah ayaa diiday in uu Albaabka ka xidho kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Xiddiga reer Masar ayay 2 sano uga hadhsantahay heshiiskiisa kooxda Liverpool inkasta oo uu Klopp sheegay in uu ka dagan yahay xaalada xidiga.

Saxafiga reer Spain ee Alex Crook ayaa sheegay in ay Real Madrid bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Mohamed Salah iskuna diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa.

Zidane ayaa xiddiga 29 jirka ah u arka badalka Gareth Bale kaas oo kooxda Amaah uga tagay xagaagii kuna biiray kooxda Tottenham.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here