Manchester City oo kor kala socota wadahadallada heshiis kordhinta Sergio Ramos

0
259

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa kor kala socota oo kormeereysa xaaladda Sergio Ramos iyo wadahadallada heshiis kordhintiisa ee u dhexeeya isaga iyo Real Madrid sida ay warinayso Shabakadda ESPN.

Qandaraaska Ramos wuxuu dhacayaa 30-ka bisha June, wuxuuna durbaba la xaajoon karaa kooxaha kale haddii uu doonayo, iyadoo wax ka yar lix bilood ay uga harsan yahay qandaraaskiisa haatan.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in macallinka Manchester City ee Pep Guardiola uu taageere weyn u yahay daafacan, kaasoo si weyn loogu tixgeliyo mid ka mid ah kuwa ugu fiican Adduunka, iyadoo mushaharkiisa badan aysan wax dhibaato ah lahayn.

Ramos ayaa lagu wadaa inuu 35-sano jirsado bisha Maarso, waxaana la rumeysan yahay inuu doonayo inuu sii joogo Real oo uu u kordhiyo heshiis cusub oo labo sano ah, laakiin iyadoo wadaxaajoodyadu weli socdaan, Man City waxay dareensan tahay inay jirto fursad ay ku dalban karto daafacan haddii wadahadallada u dhexeeya isaga iyo Los Blancos ay burburaan.

Man City ayaa haysata haatan Ruben Dias, Aymeric Laporte, Nathan Ake, John Stones iyo Eric Garcia kuwaasoo ah dooqyo kala duwan oo daafaca dhexe ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here