Lixdii Daafac Ee Ugu Fiicanaa Sanaka 2020 Oo La Soo Saaray.

0
306

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxa ay shabakada whoscored ku dhamaystirtay daafaca 6-ta daafac ee ugu fiican sanadka 2020 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

6-da xiddig ayaa u tartami doona 2-da boos ee daafaca dhexe ee shaxda ugu fiican 5-ta horyaal ee ugu waaweyn taas oo aan soo bandhigi doono marka aan dhamaystirno warbixinahay.

Daafaca dhexe ayaa ah booska ugu muhiimsan kubada cagta waana meesha aas-aaska u ah kubada waxana u tartamaya 6 xiddig oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay sanadkii 2020.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 6-da xiddig ee ugu fiican sanadkii 2020 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub:

1) Mats Hummels (Borussia Dortmund)

Waa xiddig kale oo Dortmund ah kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay isaga oo si fiican u ciyaaray sanadkii 2020.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa kooxdiisa u saftay 29 kulan Bundesliga sanadkii 2020 waxana uu dhaliyay 4 gool isaga oo shabaqiisa ilaashaday kulan waxana uu helay qiimayn dhan 7.32.

2) James Tarkowski (Burnley):

ku jirista xiddig Tarkowski ee liiskan ayaa laga yaabaa in ay dad badan lama filaan ku noqoto laakiin wax qabadkiisii 2020 ayaa u hadlaya isaga oo joojiyay ama hor istaagay 38 laad oo goolka kooxiisa lagu laaday sanadkii 2020 isaga oo ah xiddiga ugu badan ee sidaas sameeyay.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa ah xiddiga 2-aad ee shabaqiisa ilaashada kulamada ugu badan xiddigaha Liiskana ku xusan waxana uu qaab ciyaareedkiisa ku mutaystay in lagu daro liiskan waxana lagu qiimeeyay 7.14.

3) Sergio Ramos (Real Madrid):

Inkasta oo uu Ramos bilo yar kadib noqon doono 35 jir hadana xaqiiqada ayaa ah in uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican booskiisa adduunka oo dhan.

Ramos ayaa kooxdiisa u soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah snaadkii 2020 isaga oo dhaliyay 10 gool 6 ka mid ah ay rikoodhayaal ka yimaadeen waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay horyaalka waxana lagu qiimeeyay 7.13.

4) Jannik Vestergaard (Southampton)

Xiddiga Vestergaard ayaa sidoo kale lama filaan ku noqon doona dad badan laakiin xiddigan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Southampton.

Xiddigan ayaa sanadka 2020 xilli ciyaareedkan dhaliyay 3 gool waxana uu sidoo kale xilli ciyaareedkii hore kooxdiisa ka caawiyay in ay gaadho guulo muhiim ah waxana uu la qiimo noqday xiddiga Rasmo isaga oo helay 7.13.

5) Kurt Zouma (Chelsea):

Taageerayaash kubada cagta gaar ahaan kuwa Premeir League ayaa si gaar ah ula socday saxiixyadii ay Blues samaysay laakiin Kurt Zouma ayaa laf dhabar u noqday kooxda chelsea xilli ciyaareedkan sidoo kale kooxda muhiim u noqday sanadka 2020 Waxana lagu qiimeeyay 7.11

Zouma ayaa dhaliyay 4 gool sanadka waxana uu saamayn weyn ku yeeshay kooxdiisa kadib markii uu Lampard fursad siiyay waxana uu shabaqiisa ilaashaday 10 kulan waxana lagu qiimeeyay 7.11.

6) Virgil van Dijk (Liverpool):

Dad badan ayaa filayay in uu Van Dijk boosaska hore kaga jiro Liiskan laakiin Qaab ciyaareedka Xiddiga reer Holland ayaan ahayn mid fiican bilowgii xilli ciyaareedka kadib waxa soo gaadhay dhaawac soo afjaray xilli ciyaareedkiisa kulamo badana uma ciyaarin kooxdiisa qaybtii sanadka 2020 ee xilli ciyaareedkan Waxana lagu qiimeeyay 7.11