Gobolka Banaadir oo ku guuleystay tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Banaadir

0
385

Cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa galabta kulanka final-ka ah wada cayaaray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Galmudug, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Galmudug, isla markaana sitay hal ku dhigyo ayaa si weyn u muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah ee la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka oo ahaa mid aad loo soo camiray, maadaama ay ahayd kulanka kama dambeysta ah ee tartanka ayaa waxaa cayaarta daqiiqaddii 1aad gool u dhaliyay xidiga N0, 11aad ee xulka Banaadir Nageeye Deeq, iyadoo daqiiqaddii 15aad uu kabtanka xulka Galmudug uu cayaarta ka dhigay 1-1.

Cayaarta oo ah weerar iyo weerar celis ayaa waxa ay labada dhinac soo bandigeen cayaar wanaag, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-1.

Qeybtii labaad ee cayaarta oo si dar darleh ku bilaabatay ayaa daqiiqaddii 52aad ee cayaarta waxaa Xulka Gobolka Banaadir uu dhaliyay goolka 2aad Xidigga Deeq Nageeye oo N0, 11 u wata Xulka Banaadir, waxaana uu cayaarta ka dhigay 2-1, waxaana Xulka Banaadir gool ku laad ka qasaariyay daqiiqaddii 75aad xidiga Ibraahin Ilyaas oo N0, 28aad u wata Xulka Banaadir.

Daqiiqaddii 86aad ee cataarta ayaa cayaartoyda Xulka Galmudug goolka u dhaliyay xidiga Muxudiin Jamaal oo N0.15aad, waxaana uu cayaarta ka dhigay bar bar dhac 2-2.

Cayaarta ayaa lagu kala baxay gool ku laad oo labada dhinac loo dhigay min shan, balse Xidigaha Xulka Galmudug ayaa iska qasaariyay saddex rigoore oo ay heleen, waxaana xidigaha Xulka Banaadir ay wada dhaliyeen saddexdii gool kulaad ee soo martay, sidaasna ayayna koobka ku hanteen.