Edinson Cavani Oo Ganaax Kulamo Ah Dusha Laga Saaray

0
327

Xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Edinson Cavani ayaa dusha laga saaray ganaaxkulamo ah kadib markii lagu helay dambi cunsurinimo ah kadib qoraalkii uu ku soo qoray Baraha bulshada.

Xidhiidhka FA-ga England ayaa Xiddiga Edinson Cavani dusha ka saaray ganaax 3 kulan ah kadib markii lagu helay dambi cunsurinimo ah oo uu ku qoray baraha bulshada.

Ganaaxa Cavani ayaa la macno ah in uu xiddiga reer Uruguay seegi doono kulamada Aston Villa, Manchester City & Watford.

Sidoo kale xiddiga 33 jirka ah ayaa lagu ganaaxa lacag dhan £100,000 kadib markii uu Cunsurinimo ku kacay kadib guushii ay Man United ka gaadhay Southampton.