Manchester City oo garoonkeeda Etihad guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Burnley

0
284

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Burnley, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 6-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Riyad Mahrez, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Kevin De Bruyne.

22 daqiio marka ay ciyaarta mareysay Manchester City ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta, waxaana 2-0 ka dhigay Riyad Mahrez, xilli caawinta goolkan lahaa Kyle Walker.

Daqiiqadii 41-aad kooxda Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha kaddib markii uu 3-0 ka dhigay Benjamin Mendy, Kevin De Bruyne ayaana markale goolkan caawiyay.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad Ferran Torres ayaa dheesha ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus.

69 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Riyad Mahrez ayaa dhaliyay goolkiisa saddexaad ee ciyaarta, wuxuuna ka dhigay 5-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 5-0 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here