Gurmadka Dadka guryahooda ku burbureen dhulgariirkii Izmir

0
288

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Illaa iyo hada waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 26 qof dhulgariirkii shalay ka dhacay xeebta magaalada Izmir ee koonfurta dalka Turkiga, kaasi oo sidoo kale khasaaro ka geystay qaar kamid ah jasiiradaha dalka Giriiga.

Hawsha ugu weyn ayaa weli ka socota magaalada Izmir oo ah magaalada sadexaad ee ugu weyn wadanka Turkiga, halkaasi oo ay ku burbureen qaar kamid ah daaraha dhaadheer oo ay dadku degen yihiin.

Labo kamid ah daaraha gebi ahaan burburay ayaa laga soo saaray ugu yaraan 16 qof oo nool, balse dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay jiraan dad ka badan 40 qof oo la filayo inay ku hoos jiraan guryaha burburay.