Natiijada kulamadii xalay laga ciyaaray Champions League

0
327

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa xalay la ciyaaray kulamo aad u xiiso badan ee ka tirsan kulamada labaad wareega Group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2020/21.

Kooxaha Barcelona, Juventus, Chelsea, Paris Saint-Germain iyo Manchester United ayaa ka mid ahaa kooxihii ugu muhiimsanaa ee xalay  ciyaaray kulammadii koobka horyaallada Yurub ee Champions League.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa kaga soo adkaatay 0-4 kooxda FC Krasnodar, iyaddo ay goolasha kaga mahad celineyso xiddigaha Jorginho, Timo Werner, Hakim Ziyech, iyo Christian Pulisic.

Dhinaca kale Manchester United ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay 5-0 kooxda Ballsport Leipzig oo marti u aheyd, iyadoo ay goolasha u kala dhaliyeen xiddigaha kala ah  Mason Greenwood, Anthony Martial, iyo. Marcus Rashford oo saddexleey dhaliyay

Barcelona ayaa dhinaceeda guul ka soo heshay kooxda reer talyaani ee Juventus, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, waxaana goolasha u kala dhaliyay  Ousmane Dembele iyo Lionel Messi.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii laga ciyaaray Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League:-

GROUP E

FC Krasnodar 0 – 4 Chelsea

Sevilla 1 – 0 Rennes

GROUP F

Borussia Dortmund 2 – 0 Zenit St. Petersburg

Club Brugge 1 – 1 Lazio

GROUP G

Ferencvaros 2 – 2 Dynamo Kyiv

Juventus 0 – 2 Barcelona

GROUP H

Istanbul Basaksehir 0 – 2 Paris Saint-Germain

Manchester United 5 – 0 RasenBallsport Leipzig