COVID-19 oo fara ba’an ku haya dalka Ingiriiska

0
248

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Boqortooyada Ingiriiska ayaa diiwan gelisay in ka badan 19,700 oo kiis iyo dhimashada 174 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tan ayaa ka dhigan in dalkaasi uu saddexdii maalin ee ugu dambeysay uu si maalinle ah u diiwaan geliyay in ka badan 20,000 oo kiis.

Tirada dhimashada COVID-19 ee dalka Ingiriiska ayaa hadda sii caga cageneysa 44,896 ruux.

In ka badan seddex meelood meel dhakhaatiirta Ingiriiska ayaa rumeysan in nidaamka saddexda heer bandowga ee dowladda uusan wax weyn ka qaban dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19.

Cilmi-baaris ay sameeyeen Ururka Dhakhaatiirta Ingiriiska ayaa sidoo kale walaac ka muujisay xilliga dayrta iyo xilliga qaboobaha in tiro ka badan kalabar shaqaalaha daryeelka caafimaadku ay sheegeen inay “aad uga walaacsan yihiin” waxa soo socda.