Antoine Griezmann Oo Tallo Laga Siiyay Mustaqbalkiisa Barcelona.

0
369

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Halyeeyga reer France ee Bixente Lizarazu ayaa xiddiga kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann kula taliyay in uu isaga tago kooxda Barcelona kadib markii uu qaab ciyaareedkiisu si weyn hoos ugu dhacaytan ilaa markii uu Ronald Koeman noqday tababaraha Barcelona.

Ronald Koeman ayaa adduunka ka yaabiyay kadib markii uu kaydka dhigay xiddiga Antoine Griezmann kulankii El Clasico booskiisana ku bilaabay da’yarka Pedri.

Bixente Lizarazu ayaa sheegay in uuna Antoine Griezmann qaab fiican ku soo bandhigi doonin kooxda Barcelona sabab la xidhiidha in uuna ka ciyaarayn booskiisa saxda ah.

Isaga oo la hadlaya wargayska MARCA ayuu yidhi”Antoine Griezmann waa xiddig cajiib ah, waliba si fiican ayuu ugu ciyaaraa xulka qaranka France laakiin si fiican uguma ciyaari Barcelona waa dhibaato weyn”.

“Waxa uu tagay Barcelona si uu uga garab ciyaaro Messi laakiin wax xidhiidh fiican oo kubadeed kama dhexayso labadooda arintaasna kuma aragno garoonka dhexdiisa”.

“Antoine Griezmann waa in uu isaga tago kooxda sababta oo ah Barcelona kama helayo booskiisa saxda ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here