Midowga Afrika oo ku baaqay in laga foojignaado Mowjada labaad ee COVID-19.

0
290

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Guddoomiyaha Midowga Afrika Cyril Ramaphosa ayaa dalalka Afrika ugu baaqay in ay feejignaan dheeri ah u yeeshaan la dagaallanka xanuunka COVID-19 si loo yareeyo halista mowjad labaad oo xanuunkaas ah.

Ramaphosa ayaa ka digay in mowjad labaad oo qaaradda ku timaadda ay dhalin karto Bandow iyo xayiraad cariiri gelin kara nolosha dadka Afrikaanka ah.

Mar uu ka hadlayay shir u uku qabtay aaladda Zoom-ka ayuu guddoomiyuhu sheegay in xanuunka uu muujiyay adkeysiga iyo waaya aragnimada qaaradda.

Dalalka qaar oo uu xanuunku ka yaraaday ayuu sheegay in si lama filaan ah uu ugu soo laba kacleeyay taasi oo dhalisay in dalalkaasi ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka xayiraadahooda.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in qaaradda ay la gudboontahay feejignaan dheeri ah oo lagu badbaadinayo bulshada qaaradda.

Bukaannada qaba xanuunka Korona ee qaaradda ayay haatan tiradoodu kor u dhaafeysaa 1.6 milyan oo qof halka ay u geeriyoodeen ku dhawaad 40.000 oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here