Hordhac: Barcelona Vs Real Madrid

0
240

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Real Madrid ayaa marti u Barcelona oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan wareegga 7-aad ee La Ligaha

Barca waxa ay kulankaas galayaan iyaga oo ku jira booska 9-aad halka Real ay ku jiraan booska sedexaad balse Barca laba kulan ayaa u baaqatay halka Real-na ay u baaqatay hal .

Labada koox ayaa kulanakan galaya iyadoo kulankii wareeggii hore ee La Ligaha ay la kulmeen guul darro ka kala qabsatay Catefa iyo Cadiz.

Xogta Labada koox : Real waxa ay Barcelona La Ligaha ku wajaheen 180 jeer , Real ayaa badisay 73 halka ay qasaareen 72 jeer waxa ayna bar bar dhac galeen 35 kulan
* Real waxa ay ku guuleysteen in Barca ka dhaliyaan 288 gool halka Barcelona iyana ay sameeyeen mid taas la mid ah .
* Messi ayaa ah gool dhaliyaha taariikhiga ee labada koox ee La Ligaha waxa uuna ku leeyahay 18 gool.

* Inkastoo Real ku badan tahay dhanka guusha , hadana waxa ay Barcelona ka badiyeen kaliya 5 jeer oo qeyb ka ah 20 kulan kuwaasi oo yimid tobankii sano ee ugu dambeeyay , waxa ayna Barca badiyeen 10 jeer halka 5 jeerna ay galeen bar bar dhac

* Waxaa xusid mudan in Real badiyeen kulankii ugu dambeeyay La Ligaha ee xilli ciyaareedkii hore waqtigaas oo ay laba gool ku badiyeen .